Ciidamo cusub oo imaanaya Xeebaha Soomaaliya

Ku dhawaad 70 ciidamada dowlada Sweden ayaa kusoo wajahan bariga qaarada Africa si ay qeyb kaga noqdaan dadaalka looga hortagayo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee afduubta maraakiibta adeegsata biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Ciidamada la qorsheynayo inay tagaan gacanta Cadan ayaa qeyn ka noqon doona howlgalka afaraadka oo dowlada Sweden ay ka wado gobolka, sida lagu sheegay warbixinta lagu sheegay.

Ciidamada ayaanan ku ekaan doonin adeegsiga maraakiibtooda dagaalka oo waxay la shaqeyn doonaan ciidamada dowlada Holland ee qeybta ka ah howlgalka loogu magac daray Atlanta, si ay kaga hortagaan weerarada burcad badeeda.

Swedes waxay ku hadlaan luqad wanaagsan oo aan isku fahmi karno, waxaana u wada shaqeynaynaa si dhow wayna sahlanaan doonaan inaan wada shaqeyno”sidaasi waxaa yiri Leo De haan oo kamid ah askarta Holland isagoo ka hadlay warbahinta Sweden.

“Waxaan nahay wadan yar oo leh qorshe difaac oo mideysan waxaan u baahanahay wadajir, inaan u wada shaqeyno labada wadan”sidaasi ayuu yiri markale askariga ka tirsan dowlada Holland.

Seddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa yaraaday weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana la sheegay in horumar laga sameeyay weeraradii ay geysan jireen.

Sanadkii 2011, seddex sano ka hor kooxaha burcad badeeda waxay qabsadeen inka badan 30 markab iyo shaqaale ka badan 700 oo ruux sida ay sheegeen Midowga Yurub, waxayna burcad badeeda ay ka dalbanadeen dhaqaalo badan dowlada iyo shirkadaha ay dadkaasi u shaqeynayeen.

Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid tirade weeraradii ay qaadi jireen, waxii ka dambeeyay markii ciidamada China iyo Mareykanka ay howlgalo joogto ah ka sameeyeen biyaha gacanka cadan iyo meelaha ka baxsan.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video

Latest News

baydbabo TOP War Cabsi ah oo laga soo sheegayo Baydhabo & Qaraxyo laga…
- Apr 26, 2015
Ciidamada amaanka ee maamulka koofur galbeed iyo kuwa Ethiopia ayaa magaalada Baydhabo ka wada ...
top-news1-300x240 TOP XOG:- Alshabaab oo weerar halis ah la damacsan CADAADO & Warar sheegaya….
- Apr 26, 2015
Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee shirka maamul u sameynta Gobollada ...
top-news Wasiir Hadliye oo ka hadlay xiriirka Kenya iyo Soomaaliya
- Apr 26, 2015
Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay in xilligaan ...
top-news1-300x240 DF oo QM kala hadashay horumarka dalka Soomaaliya
- Apr 26, 2015
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa magaalada New York kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Qaramada ...
sade DAAWO Beesha SADE oo go’aan ka gaartay wasiir Odawaa
- Apr 26, 2015

top-news DAAWO Faarax Murtiile “Oo ictiraafkii Somaliland bey nagu bar goysay”
- Apr 26, 2015
https://www.youtube.com/watch?v=Nge2sY8dwXg